Maxkamada Yurub oo Bosnia ku amartay duminta kaniisad laga dhisay dhul qoys muslim ah.

0
108

Maxkamada Xuquuqul insaanka Yurub ayaa dowlada Bosnia ku amartay in la dumiyo kaniisad si sharci daro ah looga dhisay dhul ay lahaayeen qoys muslim ah.

Dagaaladii sokeeye oo dalka Bosnia ka socday intii u dhaxeysay 1992 ilaa 1995 ayaa sababay in si qasab ah deegaankoodii looga qixiyo qoyska haweeneyda lagu magacaabo Fata Orlovic, oo ah haweeneyda dacwada maxkamada kusoo oogtay dowlada Bosnia.

Waxaana dhulkii qoyskooda laga qixiyay oo kuyaalo tuulada Konjevic Polje ee dhacda bariga dalka Bosnia, si sharci daro ah looga dhisay dhisay kaniisad masiixi ah.

Fata iyo 13 xubnood oo qoyskeeda katirsan ayaa ilaa sanadkii 2000 waday dacwad ay ku codsanayeen in dhulkooda dib loogu soo celiyo, lagana dumiyo kaniisada laga dhisay.

Maxkamada Yurub ee Xuquuqul insaanka ayaa qoyskaas ugu danbeyn u xukuntay codsigooda, waxaana dowlada Bosnia lagu amray inay kaniisadaad ku dumiso mudo sadex bilood gudaheed ah. Iyada oo sidoo kale qoyskaas loo xukumay 5000 oo Euro oo magdhow ah.

Tuulada Konjevic Polje ayaa u dhow magaalada Srebrenica oo ah goobtii lagu xasuuqay 8000 qof oo muslimiin Bosnian ah. Waxaana dadka xasuuqaas lagu dilay kamid ahaa ninka Fata Orlovic oo ah haweeneyda dacwad uga guuleysatay dowlada Bosnia.

Xigasho/kilde: Bosnia må fjerne kirke som er ulovlig oppført på muslimsk jord

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments