Krf: Soo galootiga aan wadankoodii loo celin karin, hala siiyo ogolaansho shaqo.

0
193

Xisbiga Krf oo kamid ah afarta xisbi ee ku mideysan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, ayaa soo jeediyay in ogolaansho shaqo la siiyo, dadka helay diidmada codsiga magangalyada. Balse aan dib loogu celin karin wadamadoodii.

Geir Toskedal oo katirsan xubnaha baarlamaanka xisbiga Krf, ayaa sheegay in xisbigiisu uu rabo in dadkaas la siiyo ogolaansho ay ku shaqeystaan, balse uusan xisbiga Krf heysan ogolaansho ay arintaas ku meelmariyaan.

Wixii ka horeeyay sanadkii 2011, dowlada Norway ayaa dadka heysta diidmada codsiga magangalyada, isla markaana aan lagu celin karin dalalkii ay yimaadeen, siin jirtay ogolaansho shaqo.

Balse markii ay soo baxeen in siyaabo qaldan looga faaiideysto ogolaanshaha shaqada, ayay dowladu istaajisay bixinta ogolaanshaha shaqada.

Krf ayaa hada in arintaas dib loo soo celiyo, waxeyna sheegeen inay baarlaamaanka geyn doonaan mooshin arintaas ku saabsan. Iyaga oo sheegay in muhiimadu ay tahay in dadkaas ay gaari karaan isku filnaansho dhaqaale, uuna damaanaq qaadi karo noloshiisa iyo tan qoyskiisa.

Xigasho/kilde: KrF: Vi vil gjeninnføre arbeidstillatelse til ureturnerbare.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments