Ingiriiska: Meydad 39 gaarayo oo laga helay gaari xamuul ah

0
129

Magaalada Essex ee ku taallo koonfurta galbeed ee Ingiriska ayaa waxaa laga helay gaari xamuul ah oo ay saaran yihiin Meydadka 39 qof.

Booliska ayaa waxay u yeereen adeeggga ambalaaska wax yar uun ka dib markii Meydad gaarayo 39 laga helay baabuur xamuul ah gudaha magaalada Essex ee bariga Ingiriiska.

Darawalka baabuurka xamuulka waday oo 25 jir ah ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo waqooyiga Ireland, waxaana loo taxaabay xabsiga isla markaasna waxaa looga shakiyey inuu geystay dil.

Booliska degaanka Essex ayaa waxay sheegeen inuu baabuurka xamuulka ah uu kasoo dhaqaaqay Bulgaria isla markaasna uu halkaas soo galay Sabtidii.

Haatan booliska ayaa baaraya sidii lagu aqoonsan lahaa meydadka, waxaana la xiray waddada lagu qabtay baabuurka siday meydadka.

Ma jirin hal qof oo ka badbaaday dadkii gaariga xmuulka ah saarnaa kuwaasi oo la sheegay in 38 qof ay ahaayeen dad qaan gaar ah halka qofka kalana uu ahaa ilma yar.

Hay’adda Dambi baarista Qaranka ayaa sheegtay inay saraakiil ka qeyb qaata baaritaanka u direen goobta laga helay. Dhanka kale afhayeen u hadlay booliska Bulgaria ayaa xaqiijiyay inay ka waraqabaan dhacdada.

Bishii June ee sannadkii 2000, 58 muhaajiriin Shiinees ah ayaa laga helay gaari xamuul ah oo ku sugnaa Dover.

Dhacdadaan haatan ayaa waxaa loo xiray darwal u dhashay dalkaasi Netherlands.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments