Fadeexad heyádda NAV: 48 qof oo si qaldan xabsi loogu xukumay iyo boqolaal kale oo go´aan qalad ah lagu xukumay.

0
120

Heyádda shaqada iyo kaalmada dadweynaha ee NAV ayaa wajaheyso mid kamid ah fadeexooyinkii ugu weynee ee soo mara abid, kadib markii la ogaaday inaysan dhaqan galin jirin qaar kamid ah xeerarka iyo shuruucda hey´adaas qabta.

Wasiirada shaqada Norway ayaa maanta shir jaraa´id oo ay qabatay ku sheegtay in baaritaan iyo dagabal ay ku sameeyeen dhaqan-galinta xeerarka iyo sharciyada shaqada ee Nav, ay ku ogaadeen si qaldan xabsi loogu xukumay 48 qof, halka 2400 oo kale laga codsaday inay soo celiyaan lacag ay xaq u lahaayeen oo markii hore la siiyay.

Anniken Hauglie: Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada

Fadeexada lasoo gudbunaatay hey´adda NAV ayaa la xiriirta qaabka ay u dhaqan galiyaan sharciyada la xiriira taageerada dhaqaale ee qofku uu NAV ka qaadan karo isaga oo ku sugan wadan kale oo Yurub ah.

Norway ayaa heshiis iyo wadashaqeyn uu kala dhaxeeyaa wadamada katirsan Midowga Yurub. Sharci soo baxay 2012 ayaa Norway waajib kaga dhigaya inay raacdo xeerarka shaqada iyo kaalmada dhaqaale ee midowga Yurub.

Taas oo ka dhigan in qofka xanuun dartiis shaqada uga maqan uu lacagaha taageerada dhaqaale ee dowlada ku qaadan karo, isaga oo ku sugan wadan kale oo EU-da. Waa hadii uusan Norway si toos ah uga guurin.

NAV ayaa boqolaal qof oo lacagtaas helay iyaga oo ku sugnaa wadan EU-da ku xukuntay inay soo celiyaan lacago horey loo siiyay. Halka qaarkoodna maxkamad lala tiigsaday, waxaana si qalad ah xabsi loogu xukumay ugu yaraan 38 qof(inta ilaa hada la ogyahay).

Wasiirada shaqada Norway ayaa maanta shir jaraa´id oo ay qabatay ku sheegtay inay aad uga xuntahay qaladka dhacay, ayna raali-galin xoogan ka bixineyso qaabka ay wax u dhaceen. Waxeyna sheegtay in dib loo furi doono dhamaan kiisaska dadkii lacagaha laga celiyay, iyo waliba kuwii xabsiga lagu xukumay.

Xubanaha baarlamaanka Norway ayaa wasiirada ka codsaday inay baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan isku hor keento, si ay sharaxaad uga bixiso fadeexadan lasoo gudbunootay hey´adda wasaaradeeda hoos tagto.

Sidoo kale qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka ayaa codsanayo in wasiiradu ay is casisho, sidoo kalena xilka laga qaado agaasimaha guud ee hey´adda NAV.

Xigasho/kilde: Hauglie: Trygdemottakere uriktig dømt til fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments