Dowlada oo rabta in Nimanka Norwiijiga ah lagu adkeeyo inay Norway keenaan, xaasas ay dibadda kasoo guursadeen.

0
88
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Wasiirka cadaalada iyo soo galootiga Norway, Jøran Kallmyr ayaa sheegay in dowladu ay qiimeyneyso in ragga Norwiijiga ah lagu adkeeyo inay Norway keensadaan xaasas ay kusoo guursadeen wadamadda dibadda ah.

Dowlada ayaa sheegtay si looga hortago in haweenkaas ajnabiga ah laga faa´iideysto, laguna dan gaaro, ay dowladu qiimeyneyso soo rogitaanka shuruuc cusub oo arintaas kahortagi karta. Wuxuuna wasiirku sheegay in dowladu ay qiimeyneyso soo rogitaanka dhowr qodob oo keeni kara in mudada sugitaanku ay dheeraato, kahor inta aan haweenkaas Norway la keenin.

Hadalka dowlada ayaa yimid kadib markii ay soo bateen tirada haweenka Norway xaas ahaanta lagu keenay ee caawinta weydiisanaya xarumaha dhibaatooyinka qoyska, kuwaas oo ka cabanaya in laga soo tuuray guryihii ay kula noolaayeen nimankii Norway keenay.

Waxaana soo noq-noqotay cabasho badan oo la xiriirta ah in haweenkaas laga faa´iideysto, laguna dangaaro, kadibna banaanka loo tuuro marka nimankii ay kala dhamaadeen.

Wasiirka cadaalada ayaa hada sheegay inay soo rogi doonaan qodobo arintaas looga hortagi karo, si aan looga faa´iideysan haweenkaas nugul ee ajaaniibta ah.

Caadiyan nimanka Norwiijiga ah ee da´ahaan waaweyn, ama nasiibkooda ka heli waayay Norway, ayaa u dhoofa wadamada Asia, si ay usoo guursadaan gabdho yar-yar oo ay Norway keenaan, kulana noolaadaan.

Wadamada Filipin iyo Thailand ayaa ugu badan wadamada ay ragga Norwiijiga ah inta badan haweenka kasoo guursadaan.

Xigasho/kilde: Kallmyr vil se på muligheten for å begrense utenlandsekteskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments