Dowlada oo 25% hoos u dhigtay lacagta laga qaado dadka qoyskooda u dacwoonaya.

0
133
Foto: Shutterstock

Wasiirada maaliyada dalkan Norway, Siv Jensen ayaa isbuucii hore soo bandhigtay miisaaniyada sanadka 2020 ee xukuumada Erna Solberg. Waxeyna baarlamaanka hor geeyeen soo jeedinta koowaad ee miisaaniyada sanadka 2020.

Sida ay webkooda ku sheegeen ururka u dooda qoxootiga ee NOAS, dowlada Norway ayaa miisaaniyada sanadka 2020 ku dartay in 25% hoos loo dhigo lacagta laga qaado dadka raba inay u dacwoodaan qoysaskooda.

Lacagtaas oo markii hore 10.500 kr, ayay dowlada hada soo jeedisay in laga dhigo 8000.

Ururka NOAS iyo ururada kale ee qoxootiga ayaa horey cabasho iyo dhaleeceyn xoogan u jeedisay lacagtaas tirada badan ee laga qaado qoxootiga raba inay qoyskooda u dacwoodaan. Waxeyna sheegeen in mararka qaarkood ay dadka qoxootiga ku qasabto inay ku shaqeeyaan suuq madow, si ay lacagtaas u dabaraan.

NOAS ayaa aaminsan in qoxootiga kunool wadamada Sweden iyo Denmark laga qaado lacag aad uga yar tan Norway, iyaga oo wali dowlada kula talinayo inay lacagtaas sii yareeyaan.

Xigasho/kilde: NOAS.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments