Deg-deg: Nin Oslo ku afduubtay baabuur «Umbulance» ah, dadna ku jiirsiiyay.

0
83

Nin sodomeeyo jir ah ayaa saacad kahor xaafada Torshov ee magaalada Oslo ku afduubtay baabuurka gargaarka deg-dega ah , isaga oo ku jiirsiiyay, kuna dhaawacay dhowr qof.

Ninkan ayaa dadka uu baabuurka jiirsiiyay, waxaa kamid caruur mataano ah oo kujiray Vognaha caruurta, wuxuuna dhaawac fudud gaarsiiyay mid kamid ah caruurta, iyada oo aan wali la cadeyn xaalada ilmaha kale.

Booliska oo dhowr xabadood la beegsaday baabuurka umbulanska ah ee ninkan uu afduubtay, ayaa ugu danbeyn ku guuleystay inay istaajiyaan, kana soo dajiyaan ninkii saarnaa oo gacanta ku dhigeen.

Waxeyna sheegeen inay qabteen hub uu ninkan watay, isla markaana ay ku raadjoogaan haweenay kale oo ninkan lala xiriirinayo.

Wali ma cada aqoonsiga qofka falkan geystay iyo tirada dadka uu dhaawacay, balse booliska ayaa dhawaan qaban doono shir jaraaid oo ay arintan uga warbixin doonaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments