Bærum: Masaajidkii la weeraray oo hanjabaad la kulmay.

0
179
Foto: Politiet

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Budstikka, masaajidka Al Noor Islamic Senter oo ahaa masaajidkii 2 bilood kahor loo geystay weerarka argagaxisnimo, ayaa hadana mar kale loo soo diray e-mail hanjabaad ah.

Al Noor Islamic Senter oo kuyaal magaalada Bærum ayaa maamulkiisu ay wargeyska u sheegeen inay heleen fariin hanjabaad ah, balse waxey sheegeen inay sii wateen shaqooyinka masaajidka ee caadiga ah, kadib markii ay laamaha amaanka ku wargaliyeen fariinta ay heleen.

Salaadii jimce ee masaajidka ee shaley, waxaa masaajidka ilaalo xooga ka hayay boolis, kuwaas oo sheegay inay sugayaan amaanka dadka muslimiinta ah ee masaajidka ku tukanayay salaada jimce.

Maamulka masaajidka ayaa sheegay in hanjabaada cusub ay cabsi galisay qaar kamid ah dadka masaajidka ku xiran, oo aan wali kasoo kaban naxdintii ay kala kulmeen weerarkii hore.

Xigasho/kilde: AL-NOOR-MOSKEEN I BÆRUM MOTTOK TRUSLER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments