Baarlamaanka Norway oo diiday in 4-jirkan xanuunsan Norway loo soo qaado.

0
168
Foto: 2019 FREE BURMA RANGERS

Baarlamaanka Norway ayaa jimcihii lasoo dhaafay cod u qaaday in Norway loo soo qaado 4 sano jir Norwiiji ah oo xanuunsan, ayna dhaleen hooyo iyo aabe Norway ka tagay, kuna biiray Daacish.

Wiilkan 4 sano jirka ah oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo, kuna sugan xeryaha qoxootiga Siiriya ayaa waxaa dhalay hooyo iyo aabe heysta dhalashada Norway, kana wada tirsanaa kooxda Daacish ee burburtay.

Hooyada dhashay cunugaas yar oo ku sugan xeryaha qoxootiga ayaa horey u codsaday in la badbaadiyo wiilkeeda oo xaaladiisa caafimaad ay kasii dareyso. Waxeyna hooyadan sidoo kale heysataa gabar kale oo wiilka xanuunsan la dhalatay.

Xisbiga MDG ayaa baarlamaanka Norway u gudbiyay mooshin codsi ah oo lagu dalbanayo in wiilkaas Norway loo soo qaado, laguna daaweeyo. Waxeyna codsadeen in xukuumada lagu cadaadiyo arintaas.

Baarlamaanka Norway ayaa jimcihii cod aqlabiyad xoogan leh ku diiday in wiilkaas Norway loo soo qaado. Waxaana mooshinkaas diiday xisbiyada Ap, Krf, Venstre, Sp, Frp iyo Høyre.

Xisbiyada MDG(oo mooshinka keenay), Rødt iyo Sv ayaana noqday sadexda xisbi ah ee kali ah ee u codeeyay in afar sano jirkaas xanuunsan Norway loo soo qaado.

Waxaa xusid mudan in horey ay dowlada Norway usoo jeedisay in wiilka xanuunsan kaligiis loo soo qaado Norway, isaga oo hooyadiis aysan la socon. Balse hooyada ayaa arintaas ku gacan seyrtay, codsadeyna in qoyskeeda oo dhameystiran lasoo wada badbaadiyo.

Xigasho/kilde: Stortinget sier nei til å hente hjem syk fireåring og IS-kvinne

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments