Arne Viste: Waxaa maxkamad loo saarayaa, inuu shaqo siiyay dad aan sharci Norway ku heysan.

0
123
Foto: Sissel M. Rasmussen

Maalintii isniinta aheyd, waxaa Norway ka bilaabatay maxkamadeynta Arna Viste oo ah nin 52 jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu shaqo siiyay dad Norway in mudo ah kunoolaa, balse diidmo ka heysta codsiyada magangalyada.

Arne ayaa horeyba u qirtay inuu si niyad ah(Ula kac ah) dadkaas shaqo u siiyay, isaga oo qirtay arinta lagu soo eedeeyay, balse wuxuu sheegay inuusan galin wax danbi ah. Kaliyana uu gutay waajibkiisa bini-aadantinimo. Wuxuuna raaciyay inuu diyaar u yahay inuu xabsi u galo arinta uu sameeyay, hadii lagu xukumo.

Waxaa hoolka maxkamada Isniintii soo buuxiyay boqolaal qof oo taageero u muujiyay Arne, kuwaas oo sheegay inuu ku saxsanaa go´aanka shaqo siinta dadka aan heysan sharciga magangalyada.

Shirkada Arne ayaa shaqaaleysiisay ilaa 70 qof, kuwaas oo mushaar ahaan u qaatay 8,5 milyan mudo afar sano ah.

Xeer ilaalinta dowlada ayaa ninkan 52 jirka ah ku eedeyneysa inuu si ula kac u jabiyay xeerka soo galootiga Norway. Isaga oo ogaa in dadka uu shaqada siiyay, aysan aheyn dad sifo sharci ah Norway ku joogo.

Maxkamadeynta ninkan ayaa socon doonto mudo afar maalmood ah.

Arne ayaa dhankiisa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go´aanka maxkamada, uuna kiiskiisa u gudbin doono maxkamada sare, ilaa maxkamada xuquuqul insaanka Yurub.

Xigasho/kilde: Arne Viste erkjenner å ha ansatt asylsøkere uten opphold – nekter straffskyld

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments