Xog uruurin: Dadweynaha oo isku raacsan in Norway loo soo qaado caruurta ay dhaleen waalidka daacishoobay.

0
183

Sida lagu ogaaday xog uruurin la sameeyay, ku dhawaad 70% dadweynaha Norway ayaa fikir ahaan aaminsan in Norway dib loogu soo celin karo caruurta ay dhaleen waalidka ka tagay Norway ee ku biiray kooxda Daacish.

Xog uruurintan ayaa waxaa dalbaday hey´adda badbaadinta caruurta ee Redd barna.

Xog laga soo xigtay hey´adda sirdoonka Norway, waxaa xeryaha qoxootiga Siiriya ku jira ilaa 40-meeyo caruur heysta dhalashada Norway ah, kuwaas oo waalidkood ay kamid ahaayeen kooxda Daacish.

Dowlada Norway ayaa wali ka caga jiideyso ka jawaabista codsiyo kala duwan oo ka imaanayo hey´addaha caruurta iyo kuwa xuquuqul insaanka, kuwaas oo dowlada ka codsanayo in caruurtaas Norway dib loogu soo celiyo.

Isbuucyo kahor ilaa 17 Wasiir oo Norway xilal kasoo heyn jiray kana kala tirsan 6 xisbi siyaasadeed ayaa dowlada si wadajir ah uga codsaday in caruurtaas Norway dib loogu soo celiyo.

Dadweynaha xog uruurinta laga sameeyay ayaa aaminsan in caruurtaas aan loo ciqaabin danbiga ay waalidkood sameeyeen, Isla Markaana ay helaan nolosha ay xaqa u leeyihiin ee caruurnimo.

Undersøkelse: Klart flertall for å hente hjem norske barn av IS-foreldre

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments