Wasiirkii kaluumeysiga oo waayay shaqo uu degmo yar ka codsaday.

0
121
Foto: Youtube

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, ahaana gudoomiye ku xigeenkii Frp ee hore, Per Sandberg ayaa waayay Shaqo oo uu ka codsaday degmada hoose ee deegaanka Nordre Land.

Per Sandberg oo sanad kahor iska casilay xilka wasiirka kaluumeysiga, ayaa kamid ahaa sagaal qof oo codsatay shaqadaas. Isaga oo warbaahinta u sheegay inuu aqoon u leeyahay, kana soo bixi karo shaqadaas, Hadii uu kusoo baxo.

Maanta ayay warbaahinta lokalka ah ee deegaankaas qortay in Ex-Wasiir Sandberg uu shaqadaas waayay, badalkeedana la siiyay nin kale oo deegaanka Stange ka shaqeeyo.

Sandberg ayaa tan iyo markii cadaadis darteed uu iskaga casilay xilka wasiirka, marar dhowr ah kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo wali aan helin Shaqo toos ah, tan intii uu xilka waayay.

Xigasho/kilde: Per Sandberg nådde ikke opp i kampen om toppjobben i Nordre Land – Kai Slagsvold Hekne får den.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments