fredag, mars 29, 2024

Soomaali booliska Denmark ay raadinayeen oo Moroco lagu qabtay.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Denmark, booliska Morocco ee galbeedka qaarada Africa, ayaa xabsiga dhigay 23 jir heysta dhalashada Denmark, balse asal ahaan soomaali ah. Kaas oo ay ku raadjoogeen booliska Denmark.

23-jirkan ay qabteen booliska Morokko ayaa la sheegay in loo heysto danbi la xiriira hub sharci daro ah, waxeyna boolisku raadinayeen ilaa bishii May ee sanadkan, sida ay qoreen warbaahinta Denmark. Booliska Denmark ayaa sidoo kale magaca ninkan soomaaliga ah ee la qabtay u gudbiyay booliska dalalka kale ee caalamka.

Booliska Denmark, qeybtooda qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegay inay la socdaan qabashada ninkan ay raadinayeen, iyaga oo diiday inay faah-faahin ka bixiyaan.

Ninkan ayaa lagu wadaa inuu xabsiga kusii jiri doono ilaa maxkamad ay ka go´aamineyso in Denmark loo gacangaliyo iyo inkale.

Xigasho/kilde: En dansk-somalisk mand blev tirsdag anholdt i Marokko. Han har været efterlyst i våbensag siden maj.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x