Siv Jensen: Ogolaanshaha in gacanta aan la iska islaamin, waxey ka dhigantahay in tartiib islaamka lagu aqbalay.

0
162

Wasiirka maaliyada Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegyay in hadii dadka Norwiijiga ah ay aqbalaan in ragga iyo dumarku aysan gacanta iska salaamin, ay ka dhigantahay in islaamka si tartiib ah lagu aqbalay.

Hadalka wasiiradda ayaa dabo socdo dood maalmaan ka taagneyd warbaahinta, taas oo ku saabsan gabdho muslimiin ah oo diiday inay gacanta ka salamaan dhaxalsugaha boqorka Norway, xili uu masaajid booqanayay. Halkan kasii akhri.

Siv Jensen ayaa sheegtay in Norway ay caado iyo dhaqan tahay in ragga iyo dumarku ay gacanta iska salaamaan. Hadii la muujiyo in la aqbalay in ragga aysan dumarka gacanta ka salaami karine, ay ka dhigantahay in la aqbalay shuruudaha iyo xeerarka diimo kale. Taasna ay ka dhigantahay in si tartiib ah islaamka lagu aqbalay.

Ereyga «Snikislamisering» oo Siv ay mar kale adeegsatay, ayaa horey loogu qabsaday marar badan. Balse waxey iyadu hada sheegtay in ay soo baxeen hada, wixii ay xiligaas ka hadli jirtay.

Xigasho/kilde: Siv Jensen: Snikislamering å ikke håndhilse på kronprinsen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments