torsdag, april 25, 2024

PST: Waxaan ka cabsi qabnaa in kooxaha midigta fog ay weerar ka geystaan Norway.

Laanta sirdoonka iyo nabad sugida dowlada Norway ayaa maanta soo saartay warbixintooda joogtada ah ee qiimeynta qataraha dhinaca amniga ah.

PST-da ayaa sheegtay in mudooyinkii ugu danbeeyay ay soo bateen fikirada colaada ku dhisan ee ka imaanaya kooxaha midigta fog ee xagjirka ah. Waxeyna sheegeen inay dhici karto inay isku dayaan weerararo argagaxiso ay ka gestaan gudaha Norway.

PST-da ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay New Zealand uu dhiirigalin siin karo dad badan oo xagjir ah, kuwaas oo isku dayi karo inay geystaan weerar noocaas oo kale ah. Iyaga oo tusaale usoo qaatay weerarkii ka dhacay masaajidka Al Noor ee Bærum.

Warbixinta hey´adda nabadsugidda ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxaha xagjirka ah ay leeyihiin website-yo ay xogta iyo macluumaadka ku kala qaataan, isla markaana ay isku dhiirigaliyaan, iskuguna hanbalyeeyaan weerarada ay geystaan. Arintaas oo PST-du ay ku tilmaantay mid wel-welkeeda Barka ah leh.

Xigasho/kilde: PST frykter høyreekstremister vil gjennomføre terror i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x