Per Sandberg: Gacanta ma ahan qaabka kali ah ee la isku salaamo.

0
141
Foto: Youtube

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, ahaana gudoomiye ku xigeenka Frp, Per Sandberg ayaa fikirkiisa ka dhiibtay dooda maalmahan ka socotay warbaahinta ee ku saabsan in ragga iyo dumarku ay gacanta iska salaamaan.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, ee Per uu katirsanyahay, Siv Jensen ayaa sheegtay in hadii la qaabilo in dumarka aysan lragga gacanta ka salaami karin, ay ka dhigantahay in islaamka tartiib lagu aqbalay.

Per Sandberg ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid aan habooneyn, ayna jirto qaabab badan oo dadku isku salaamaan, iyaga oo xeerinayo dhaqamadooda kala duwan. In gacanta la iska salaamana aysan aheyn, qaabka kali ah ee dadku isku salaamaan.

Per ayaa xili kamid ahaa siyaasiyiinta ugu hadalka qalafsan xisbiga Frp, balse waxaa ka muuqdo isbadal weyn oo ku yimid tan iyo intii uu saaxiib la noqday gabar u dhalatay dalka Iiraan.

Wasiirkan ayaa sanadkii hore lagu qasbay inuu xilka isaga dago, kadib markii ay kusoo baxday fadeexad la xiriirta mobilkiisa shaqada iyo haweenay u dhalatay dalka Iiraan oo uu saaxiib ka dhigtay.

Sandberg ayaa sanadkan sheegay in Frp ay ka leexdeen wadada saxda aheyd, isaga oo sheegay inuu ku fakarayo inuu bilaabo xisbi cusub oo Frp ka furma.

Xigasho/kilde : Å bruke håndhilsing som eksempel på snikislamisering, blir helt feil

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments