fredag, mars 29, 2024

Norway: Wasiir raba in macluumaadka dadka «magangalyada» aan wadada saxda ah ku helin, dowlada loo soo gudbiyo.

Isbuucii hore TV-ga NRK ayaa warbixin ka diyaariyay xaflad ay lahaayeen koox Ereteriyaan ah, kuwaas oo u dabaaldagayay maalinta la furay xerada tababarka shaqada qaranka Ereteriya ee Sawa. Waxaana xafladaas kala soo qeybgalay la taliye sare oo katirsan dowlada Ereteriya.

Arinta xiisaha u yeeshay xaflada kooxdaas ereteriyaanka ah, ayaa aheyd in badankood ay magangalyo ku heleen inay kasoo carareen shaqada qaranka(Milatariga) ee xerada ay sanadguurada furitaankeeda u dabaaldabagayaan. Ayna sheegteen inay kasoo qaxeen dowlada Ereteriya, oo la taliye sare oo katirsan ay kulanka ku casuunteen.

Wasiir: Dadka ka been sheega aqoonsigooda, hala soo sheego.

Wasiirka cadaalada Norway, Jøran Kallmyr, oo ka jawaabaya warbixinta NRK ee kooxda Ereteriyaanka ah, ayaa sheegay in dowladu ay rabto in la sameeyo nidaamka dadka u sahlaya inay UDI-da la wadaagaan warbixinta dadka ka been sheegay macluumaadkooda shaqsiyeed, sidaasna magangalyo ku helay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay rabto in dadka loo fududeeyo inay macluumaadka dadka aan wadada saxda ah ku helin magangalyada, ay la wadaagi karaan laamaha dowlada sida UDI-da. Dadkuna ay si qarsoodi ah ama toos ah usoo diri karaan.

Arintan ayaa u muuqato in dowladu ay wadada u fureyso in dadku ay is «jaajuusi» karaan ama macluumaadka qof ay la wadaagi karaan dowlada. Taas oo abuuri karta kalsooni daro soo kala dhexgasha bulshada ajaaniibta ah.

Wasiiradii ka horeysay Jøran ee Sylvi Listhaug, ayaa horey isugu deyday soo jeedin noocan oo kale ah, taas oo markii danbe socon weyday.

Xigasho/kilde: Justisminister Jøran Kallmyr (Frp) ønsker å innføre en anonym tipsordning for å avsløre asylsøkere som folk mener jukser.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x