mandag, april 22, 2024

Norway: Soomaali argagaxisnimo ku eedeysan oo boolisku ay xabsiga dhigeen.

Laanta sirdoonka Norway ayaa saaka sheegtay inay shaley oo khamiis aheyd xabsiga dhigeen nin labaatameeyo jir ah, kaas oo lala xiriirinayo qorsheyaal la xiriiro argagaxisnimo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

PST-da ayaa sheegtay in ninkan ay soo qabteen, kadib markii ay uu ka dhex arkeen baaritaan gooni ah oo ay wadeen, kaas oo ku saabsanaa ka hortagista weerar agagixiso.

Qareenka ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkan uu la yaabanyahay in xabsiga la dhigay, isla markaana uu iska fogeeyay dhamaan eedaha loo soo jeediyay.

PST-da ayaa saaka codsatay in afar isbuuc oo ku meel gaar ah xabsiga la dhigo ninkan, inta laga soo baarayo danbiga ay ku eedeeyeen. Maxkamada ayaana ogolaatay codsiga Hey´adda sirdoonka ee ahaa in ninkan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee gobolka Telemark, ninkan ay saaka PST-du xabsiga dhigtay ayaa asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya. Balse wuxuu ku dhashay, kuna koray Norway.

Warbaahinta ayaa sidoo kale qoreyso in ninkan uu isbadal ku yimid, kadib markii uu safar ku tagay dal kuyaal Geeska Afrika. Isla markaana uu diin ahaan iyo fikir ahaanba uu isbadalay mudooyinkii ugu danbeeyay.

NRK ayaa isna dhankiisa qorayo, in ninkan horay loogu xukumay danbi la xiriira maandooriyaha daroogada.

Wixii kasoo kordha arintan, dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Mann i 20-årene pågrepet og siktet for terrorforbund.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x