Norway: Sidaan ayaan u qiimeynaa baasaboorka soomaaliga ah.

0
170

Hey´adda qoxootiga iyo soo galootiga u qaabilsan dowlada Norway ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UDI, ayaa shaley kulan la qaadatay soomaalida Norway, gaar ahaan kuwa Oslo.

Qodobada ay hey´addan shaley soomaalida kala hadashay ayaa u badnaa isla kuwii ay kaga hadleen kulamadii hore, marka laga reebo qodobo yar yar oo kooban. Waxeyna mar kale shaley soomaalida u sharaxeen qaabka ay guud ahaan u shaqeeyaan, iyo habraaca ay u maraan arrimaha soomaalida khuseeyo.

Baasaboorka soomaaliga ah:

Mid kamid ah qodobada ay aadka ugu dheeraadeen sharaxaadiisa, su´aalaha ugu badana laga weydiiyay ayaa ku saabsanaa baasaboorka soomaaliga ah. Kaas oo Norway ay sheegtay inay aqoonsatay, kuna soo rogtay inay soo qaataan dadka raba inay codsadaan dhalashada Norway, ama dadka heysta magangalyada ku dhisan bini-aadantimada(Baasaboor buluuga).

UDI-da ayaa shaley mar kale ku celisay in baasaboorka soomaaliga ah ay u aqoonsadeen baasaboor ahaan(Waraaqad safar ahaan), balse macluumaadka ku qoran aysan noqon karin kuwo ku filan cadeynta aqoonsiga qofka soomaaliga ah.

Su´aalo toban kor u dhaafayo oo arintaas ay dadku ka weydiiyeen, Waxey sheegeen inay ku qanacsanyihiin, kuna kalsoonyihiin qaabka loo bixiyo iyo habka loo maro(Prosseska) bixinta baasaboorka soomaaliga ah, balse aysan jirin keyd(Arkiv) la tixraaco oo lagu keydiyo(xifdiyo) macluumaadka aqoonsiga qofka soomaaliga ah. Sidaas darteed uu baasaboorka soomaaliga ah uusan kali ahaantii noqon karin, cadeyn ku filan oo qeexi karta aqoonsiga dhabta ah ee qofka soomaaliga ah. Hadii aysan jirin waraaqo, documentiyo iyo macluumaad kale oo kabaya.

Waxeyna kale oo raaciyeen in baasaboorka soomaaliga ah ay Norway aqoonsatay, Norwey lagu soo gali karo, loogana bixi karo. Qofkii heysto ogolaansho ama degenaansho Norwiiji ahna, uu ku tagi karo inta badan dalalka Yurub.

Su´aal laga weydiiyay in baasaboorka soomaaliga ah lagu tagi karo Soomaaliya, ayay sheegeen in qofka soomaaliga ah ee heysta degenaansho rasmi ah(Permanent), uu Soomaaliya ku tagi karo, kuna soo noqon karo isla baasaboorka soomaaliga ah. Balse waxey raaciyeen in qofkaas uu iska sii hubiyo wadamada uu sii marayo, inay aqoonsanyihiin baasaboorka soomaaliga ah iyo inkale.

UDI-da ayaa dhanka kale soomaalida u sheegay in dadka heysta baasaboorka Buluuga ah ee bini-aadantimada, ay waajib ku tahay doonashada baasaboor soomaali ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments