fredag, april 19, 2024

Norway oo kiis barnevern- ah ku guuldareystay maxkamada Yurub.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee kutaal dalka Faransiiska, ayaa dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay xuquuqda ilmaha iyo tan waalidka, kadib markii cunug 3 sano jir ah laga wareejiyay waalidkii dhalay, laguna wareejiyay qoys kale oo korsada.

Maxkamada ayaa xukunkeeda ku sheegtay in dowlada Norway ay jabisay xuquuqda hooyada kiiska maxkamada kusoo oogtay dowlada Norway iyo xuquuqda ilmaha ee dhashay ee laga wareejiyay.

Hooyada kiiska loo xukumay ayaa bishii September ee sanadkii 2008 dhashay wiilka yar. Iyada oo sadex isbuuc kadib laga wareejiyay wiilkeeda oo xiligaas sadex isbuuc jir ahaa.

Kiis maxkamadeed oo mudo Dheer jiitamayay kadib, Maxkamada racfaanka Norway ayaa sadex sano kadib go´aamisay in xanaanada iyo koritaanka ilmaha loo sharciyeeyo waalidkii uu la joogay mudadaas uu kasoo maqnaa guriga qoyskiisa runta ah.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa go´aankeeda si cad ugu qeexday in dowlada Norway aysan go´aanka wareejinta ilmahaas loo wareejiyay qoyska kale, aan lagu ilaalin xiriirka kala dhaxeeyo waalidkiisa runta ah ee halay.

Kiiskan ayaa kamid ah 24 kiis oo barnevern ku saabsan, kuwaas oo dowlada Norway ka yaalo maxkamado xuquuqul insaanka Yurub.

Dowlada Norway ayaa hada lagu xukumay kiiskii koowaad, iyada oo la filayo in xukunkaas uu saameyn ku yeelan karo 23-ka kiis ee kale.

Xigasho/kilde: Norge dømt for menneskerettsbrudd – hadde ikke rett til å adoptere bort barn.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x