tirsdag, april 23, 2024

Norway: lacag 250 kun ku dhow oo loo uuruuriyay qoysaskii marxuumiintii ku dhintay shilka baabuurta.

Isbuucii lasoo dhaafay, sadex qof oo soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Svolvær ee woqooyiga dalkan Norway.

Sadexda marxuum ee soomaalida ah, ayaa kala ahaa hooyo iyo gabadheeda iyo wiil sodomeeyo jir soomaali ah oo deegaanka Vågan wada degenaa.

Shilka baabuurka iyo geerida sadexda marxuum ee soomaalida ah, ayaa isbuucii tagay aad looga hadalhayay warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Vågan iyo guud ahaan dalkan Norway.

Lacag uruurin: 250 kun kusii dhow.

Dad is xilqaamay ayaa Baraha bulshada ka bilaabay olole lacag loogu uruurinayo labadii qoyskii oo ay ka baxeen sadexda marxuum ee soomaalida ah . Waxeyna maalmo kooban ku uruuriyeen lacag ku dhow 250 kun oo lacagta Norway ah.

Dadka lacagtan bixiyay ayaa sida ay warbaahinta lokalka ah qortay degan dhamaan daafaha Norway, waxeyna u badanyihiin dad Norwiiji ah oo ay taabayay warbixinada ay warbaahinta ka qoreyso dhacdadan.

Xigasho/kilde: På få dager har folk gitt over 230.000 kroner til de etterlatte.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x