Keshvari oo qirtay inuu baarlamaanka ka khiyaanay lacag dhan 450.000 kr

0
104
Foto: Stillebilde/Youtube

Mazyar Keshvari oo ahaa xildhibaan katirsan xisbiga Frp ee baarlamaanka Norway, ayaa qirtay inuu baarlamaanka Norway oo uu katirsanyahay ka khiyaanay lacag dhan 450.000.

Lacagta uu Keshvari qirtay ayaa ka badan tii markii hore lagu eedeeyay oo qiyaastii aheyd 290.000 kr. Lacagtaas ayaa aheyd mid wado aan sax aheyn uu Keshvari kaga qaatay baarlamaanka, isaga oo u geyn jiray warqado been ah oo sheegaya inuu safar ku maqnaa. Warqadahaas ayuuna Keshvari ku qaadan jiray lacag uusan xaq u yeelan.

Keshvari ayaa hada ogolaaday in kiiska danbigiisa loo galo qaab kiis qirasho, wuxuuna ku eedeysanyahay kiis khiyaano oo daran.

John Christian Elden oo ah qareenka Keshvari ayaa warbaahinta u sheegay in Keshvari uu qirtay in lacag dhan 450.000 uu baarlamaanka ka khiyaanay mudadii u dhaxeysay 2014 ilaa 2018 oo uu ahaa xubin baarlamaan.

Keshvari oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iran, yaraana qoxootinimo kusoo galay Norway, ayaa hadii danbiga lagu eedeeyay lagu helo, muteysan kara ciqaab xabsiyeed oo dhan 6 sano.

Xildhibaankan Frp katirsan ayaa hada fasax xanuun kaga maqan shaqada baarlamaanka, waxaana toos ugu socdo oo uu wali qaataa mushaarka baarlamaanka oo sanadkii gaareysa ilaa hal milyan.

Marka laga tago kiiska khjyaanada lacagta, waxaa Keshvari sugayo kiis kale oo la xiriira hanjabaad dil oo u geystay haweenay. Kiiskaas oo wali baaritaankiisu ay booliska wadaan.

Mezyar Keshvari oo xili ahaan jiray afhayeenka Arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp, ayaa lagu xusuustaa oraahdiisii aheyd, in soo galootiga danbiyada gala, laga tarxiilo Norway, loopa celiyo wadamadii ay asal ahaan kasoo jeedeen.

Isaga ayaa hada dhex fadhiya oo lagu heystaa labo danbi oo waaweyn, kaas oo uu midkiiba ku muteysan karo dhowr sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari erkjenner å ha levert fiktive reiseregninger for 450.000 kroner

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments