Keshvari oo 450.000 kr u celiyay baarlamaanka. Lacagtii uu lunsaday.

0
84
Foto: Stillebilde/Youtube

Qareenka Xildhibaan Mazyar Keshvari  oo katirsan xisbiga Frp, ayaa warbaahinta jimcihii lasoo dhaafay u sheegay in Keshvari uu baarlamaanka Norway u celiyay lacag gaareyso 450.000 kr.

Lacagtan ayaa aheyd mid uu Keshvari qirtay inuu wado aan sax aheyn uga qaatay baarlamaanka Norway, isaga oo u gudbin jiray waraaqaha safaro aanan jirin, oo Keshvari uu sheegi jiray inuu ku tagay gobolada Norway.

Keshvari ayaa hada ah maxkamad suge, waxeyna maxkamadiisu bilaaban doontaa 18-ka bisha October. Isaga oo ku eedeysan danbiga khiyaano dhaqaale oo culus.

Xeer ilaalinta booliska ee kiiska dacwada kusoo oogi doonto ayaa sheegay inay maxkamada ka codsan doonaan i Keshvari lagu xukumo sanad iyo bar xabsi ah.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari (Frp) har betalt tilbake 450.000 kroner til Stortinget etter å ha erkjent å ha levert fiktive reiseregninger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments