lørdag, april 20, 2024

Imaam Qowmiyada Yuhuuda aflagaadeeyay oo la xukumay.

Imaam asal ahaan u dhashay dalka Lubnaan, ayaa lagu xukumay xabsi shuruudeysan iyo ganaax dhan 3000 kr, kadib markii maxkamad kutaal Sweden ay ku heshay danbi aflagaado naceyb ah oo uu kula kacay qowmiyada Yuhuuda.

Imaamka oo goob banaanbax Israel looga soo horjeedo ka hadlayay, ayaa sheegay in Yuhuuda ay tahay «Awlaada doofaarka iyo daanyeerka».

Muuqaal laga duubay hadalka Imaamka oo af carabi ahaa, ayaa lasoo dhigay barta Facebooga, taas oo keentay in dib loo daawado, laguna dacweeyo.

Imaamka ayaa dhankiisa sheegay in hadalkaas uu ahaa mid uusan kusoo talagalin, balse uga soo baxay si iskiis ah. Wuxuuna sheegay in Yuhuuda uusan u dan laheyn, balse uu ka hadlayay xukuumada Israel.

Xigasho/kilde: Svensk imam dømt for jødehets: «Avkom av aper og svin».

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x