lørdag, april 20, 2024

Iiraan oo fasaxday Markab shidaal oo Sweden laga leeyahay.

Markab laga lahaa Sweden ee ah nooca saliida qaada oo dowladda Iiraan heysatay isbuucyadii tagay, ayaa ugu danbeyn gacanta ka soo baxay gacanta dowlada Iiraan.

Waxay ahayd 19 kii bishii Luulyo kolkii Iiraan ay joojisay markabkan oo la yiraahdo Stena Impero ahna nooca xamuulka xilli uu marayay gacanka Beershiya si uu u soo qaado shixnad kiimiko ah.

Ciidmadda ilaalada kacaanka Iiraan ayaa soo bandhigay filim muuqaal ah oo muujinayay sida ciidankooda ugu daateen dusha markabka iayaga oo ka soo degaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarada.

Tallaabadaasi ayaa loo arkay mid Iiraan ay uga fal celineysay askar Ingiriis ah oo labo toddobaad ka hor xilligaasi biyaha Gibralter ku qabtay markab laga lahaa dalka Iiraan.

Iiraan ayaa horey u soo daayay 7 kale oo ka mid ahaa shaqaalaha markabka.

Stena Impero ayaa imminka aadi doona dekadda ugu dhow halkaasi oo shaqaalaha saaran laga soo duulin doono iyaga oo aadaya dalalka ay u dhasheen.

Sida uu sheegay hoggaanka shirkadda iska leh markabka, kharash gaaraya 20 milyan oo karon ayay shirkaddu weysay tan iyo intii uu xayirnaa markabkan.

Xigashi/kilde: Sveriges Radio/qeybta afka soomaaliga

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x