tirsdag, april 23, 2024

Hey´adda agaasinka qoxootiga(UDI) khamiista beri ah soomaalida kulan la yeelan doonto.

Hey´adda agaasinka soo galootiga Norway ee UDI-da, ayaa maalinta beri ah(19-09-2019) kulan isugu yeertay jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway. Kulankaas oo noqon doono kii labaad oo hey´adaas ay sanadkan soomaalida la yeelato.

Hey´adda UDI-da oo gacanta ku heysa kiisaska boqolaal soomaali ah, ayaa labadii sano ee ugu danbeysay dhowr kulan la yeelatay soomaalida. Kulamadaas oo ay ku sharaxaan qaabka ay uga shaqeeyaan kiisaska soomaalida khuseeyo, hababka loo maro, sharciyada khuseeyo iyo shuruudaha ku xiran.

Sida ku xusan warqada casuumaada kulankaas (hoos ka fiiri), kulanka ayaa noqon doono mid furan oo dhamaan dadka soomaaliyeed ee xiiseynaya ay imaan karaan. Waxayna kulankan UDI-du soomaalida kala hadli doontaa mowduucyada la xiriira: Sida ay u qiimeeyaan aqoonsiga qofka soomaaliga, baasaboorka soomaaliga ah iyo kiisaska ay sheegeen inay dib u qiimeynta magangalyo ku sameynayaan.

Soomaalida ayaa dhowrkii kulan ee hey´adaas ay la yeelatay soomaalida ka dacwooday ineysan jirin turjumaano soomaali ah oo u turjuma dadka raba inay su´aalo ka dhex weydiiyaan kulanka. Shaqaalaha agaasima kulamada ay UDI-du la yeelato soomaalida, ayaa warbixintooda ku sheegay in markan ay kulanka joogi doonaan turjumaano soomaali ah oo kala af celiya(turjuma) shaqaalaha UDI-da iyo soomaalidaba.

Kulanka UDI-da ay u qabatay soomaalida, ayaa kusoo aadayo bil kadib markii hey´adda UNE ay soo saartay go´aan ay ku sheegeyso in inta badan soomaalida laga heystay codsiga degenaanshaha ay xaq u yeelan karaan helista degenaansho rasmi ah.

Soomaalida ayaa sidoo kale dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay cabasho joogto ah ka muujinayay helista baasaboorka soomaaliga ah, oo dowlada Norway ay kusoo rogtay boqolaal soomaali ah inay u doontaa safaaradaha Soomaaliya ee Brussel iyo Roma.

Kulankan ayaa ka dhici doono meeshii lagu qabtay dhowrkii kulan ee hore, oo ah xarunta bisha cas ee Oslo (Hausmanns gate 7), wuxuuna bilaaban doonaa saacada 17:00.

Halkan ka akhri warbixinta ku qoran casuumaad e-mail ahaanta loogu diray dadka:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x