Frp oo la madax wareersan sababta keenytay guuldaradii kasoo gaartay doorashada.

0
134

Xisbiga garabka midig ee Frp ayaa doorashadii isniinta ka dhacday guud ahaan Norway, kala kulmay guuldaro xoogan oo horey loo sii saadaaliyay.

Frp ayaa doorashada golaha deegaanka ee isniintii dhacday ka helay codadkii ugu yaraa tan iyo sanadkii 1991(28 sano).

Madaxda xisbiga Frp ayaa hada siyaabo kala duwan uga hadlay jabka soo gaaray, waxaana muuqato ineysan muuqan sabab ay madaxda xisbigaas isku waafaqsanyihiin oo guuldarada u keentay.

Xisbiga Frp ayaa waxaa doorashada kahor dhexdiisa ka jiray muran xoogan oo ku aadan qaabka ay doorashada ku wajahayaan iyo qodobada ay la shir tagi doonaan.

Dhibta ugu weyn ee Frp soo gaartay ayaa sida la ogsoonyahay aheyd soo bixitaanka xisbiga cusub Bompartiet, oo ah xisbi kasoo horjeedo siyaasada xisbiyada kale ee ku aadan jidgooyada wadomarista ee lacagta ah(Bompenger).

Wuxuuna xisbigaas la tagay qeyb badan oo kamid ah taageerayaashii udub dhexaadka ahaa ee xisbiga Frp. Waxaana taas u dheereyd in qoxootigii Norway soo gali jiray uu yaraaday, aysana jirin siyaasad qoxooti oo ay la shir tagi kareen, marka laga reebo soo jeedimo qar iska tuur ah.

Madaxda xisbiga Frp qaarkood ayaa soo jeediyay in xisbigu uu dowlada isaga baxo, unna noqdo xisbi mucaarad ah ilaa uu ka helayo awood uu ku meelmarsado ajendihiisa siyaasadeed.

Xisbiyada Høyre, Venstre iyo Krf oo ah afarta xisbi ee Frp kala mid ah xukuumada ay hogaamiso Solberg, ayaa iyagana waxaa dhankooda soo gaaray hoos u dhac xoogan oo doorashadii golaha deegaanka Norway ah.

Xigasho/kilde: Frp ligger med brukket rygg etter sitt dårligste valg på flere tiår. Nå leter partiet desperat etter svar på årsaken til kollapsen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments