Codadkan ayay kala heleen soomaalidii sanadkan Oslo ka sharaxneyd.

0
178
Fawzi, Kaafiyo, Abdi iyo Ubah= Afarta musharax ee soomaalida ah sanadkan.

Waxaa shaley fiidkii soo baxday natiijada kama danbeynta ah ee doorashada dhacday isniintii. Magaalada Oslo ayaa shaley laga ogaaday qaabka ay xisbiyada tartamayay u qeybsan doonaan kuraasta golaha deegaanka, iyo waliba magacyada xubnaha ku guuleystay.

Xisbiga Høyre ayaa helay kuraasta ugu badan ee golaha deegaanka Oslo, iyaga oo helay 15 kursi. Waxaana kusoo xiga Ap oo sanadkan lumiyay 8 kursi oo golaha deegaanka Oslo ah, iyaga hada helay 12 xubnood oo kali ah.

Qaabkan ayay xisbiyada ugu guuleysteen kuraasta Oslo:

Soomaalida tartameysay:

Marka laga soo tago doorashada guud, waxaa sanadkan Oslo ka sharaxnaa afar qof oo soomaali ah, kuwaas oo sadex kamid ah ay sanadkan ku cusbaayeen tartan siyaasada Oslo.

Midna sanadkan uma suurtogalin inuu toos u galo golaha deegaanka Oslo, balse waxey afartooduba noqdeen ku xigeeno. Mid ama labo kamid ah

Afarta qof ee soomaalida ah ayaa isku dar helay codad ku dhow 5700 cod, waxaana ugu cod badnaa Kaafiya Haaruun oo heshay isku dar 1651 cod, halka Ubah ay he shay 1523 cod, Fawza Abdirashiidna uu helay 1515 cod.

Abdi Said oo isagu u taagnaa xisbiga SV ayaa dhankiisa helay 984 cod.

Halkan kasii akhri natiijada codadka doorashada Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments