torsdag, mars 28, 2024

Ciyaaryahan Norway ka ciyaaro oo kamid ah xulkii shaley ka badiyay Zimbabwi

Xulka qaranka Soomaaliya, ayaa shaley dhigay taariikh cusub, kadib markii ugu horeysay abid ay badiyeen ciyaar kamid ah is reebreebka tartanka koobka aduunka.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku ciyaarayay dalka Jabuuti, ayaa wareega koowaad 1-0 ugu awood sheegtay xulka Qaranka Zimbawi.

Isbadalka ugu weyn ee shaley laga dareemayay ciyaarta xulka qaranka Soomaaliya, ayaa aheyd in inta badan ciyaartoyda laga soo xulay wadamada Qurbaha oo ay soomaalidu ku badantahay.

Yonis Abdirizak Farah(Profilkiisa kooxda) oo ahaa Ciyaaryahanka numberka sadexaad ee booska difaaca shaley uga ciyaarayay Soomaaliya, ayaa ah ciyaaryahan ka ciyaaro dalkan Norway. Wuxuuna u saftaa kooxda Trysil Fotballklubb ee ka dhisan deegaanka Trysil ee gobolka Hedmark.

Trysil FK ayaa ka ciyaarta horyaalka heerka afraad ee horyaalada kubadda cagta Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x