torsdag, april 18, 2024

Booliska: Wuxuu gabadha u dilay asalkeeda oo Aasiyaan ah darteed.

Booliska Norway ayaa maalintii shaley aheyd xaqiijiyay sababta ka danbeysay dilka uu argagaxiye Philip Manshaus u geystay Johanne Ihle-Hansen oo aheyd gabar uu aabihiis korsaday, walaal ahaana ugu aadaneyd.

Philip ayay boolisku xaqiijiyeen inuu gabadhaas ku dhuftay afar xabadood, kahor inta uusan masaajidka AlNoor weerarka kusoo qaadin.

Asalkeeda oo Aasiyaan ah ayuu u dilay:

Booliska ayaa bilowgii baarista kiiskan sheegay in ninkan uu walaashiis u dilay labo sababood midkood. Inay isku dayday inay ka hor istaagto weerarka masaajidka iyo inuu u dilay sabab cunsurinimo ah, maadaama asalkeedu aysan Norwiiji dhalad ah aheyn.

Booliska ayaa hada xaqiijiyay in wareysiyo ay ninkan la yeesheen kadib iyo cadeymaha laga helay goobta uu falka ka dhacay ay xaqiijinayaan ninkan uu gabadhaas u dilay sabab cunsurinimo, maadaama asal ahaan ay Aasiyaan aheyd.

Wareysiga uu ninkan booliska siiyay ayuu ku sheegay in ujeedkiisu ay aheyd inuu dadka ugu badan masaajidka ku dilo.

Booliska ayaa dhanka kale wali wada baaritaanka kiiskan, iyaga oo dhowr mar wareysiyo la yeeshan ninkan oo wali xabsiga si kumeel gaar ah(maxkamad la aan ah) ugu xiran.

Xigasho/kilde: Politiet bekrefter politiet at Johanne Ihle-Hansen (17) Philip Manshaus (22), fordi hun var av asiatisk opprinnelse.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x