Xisbiyada Frp ama Venstre oo laga cabsi qabo in midkood uu xukuumada ka baxo.

0
171
Foto: Skjerdump/nrk

Waxaa wali sii socdo muranka ka dhaxeeya xisbiyada ka wada tirsan xukuumada reysulwasaare Erna Solberg ee Venstre iyo Frp.

Sida Ilo aan la shaacin ay u sheegeen warbaahinta, xisbiga Venstre ayaa shaley shir la yeeshay xisbiyada Høyre iyo Krf, iyada oo kulankaas ay ka maqnaayeen xisbiga Frp.

Erna Solberg ayaa dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay ku mashquulsaneyd heshiisiinta labadan xisbi ee xukuumadeeda ka wada tirsan, iyada oo wali aysan muuqan natiijo la taaban karo oo ay gaartay.

Ilo wareedyo ka agdhow xisbiga Frp ayaa warbaahinta u sheegay in xisbiga Venstre uu isku diyaarinayo inay xukuumada Erna Solberg isaga baxaan. Halka Venstre ay warkaas, wax kama jiraan ku tilmaameen.

Dadka aqoonta u leh siyaasada, ayaa sheegaya in xisbiga Frp ay u muuqato inuu banaanka ka noqon doono xukuumada Erna Solberg.

Khilaafkan ayaa la saadaalinayaa inuu dhaawac xoogan gaarsiin karo wada shaqeynta xisbiyada ee xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Xigasho/kilde: Sentrale kilder i Frp mener Venstre posisjonerer seg for å forlate regjeringen i bompengestriden. Det avviser Venstre. Analytikere tror heller på en frexit.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments