Wuxuu qeybiyay 577 milyan $, kadibna wuu isdilay.

0
87
Jefrey Epstein

Jeffrey Epstein oo ahaa maalqabeen u dhashay dalka Mareykanka, isbuucii horena isku dhex dilay xabsiga, ayaa la ogaaday inuu qoray warqad dardaaran ah, isaga oo saxiixay, kana dardaarmay dhamaan hantidiisa.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay warqadda dardaaranka ninkaasi oo saxiixan in maxkamadda jasiiradda Virgin ee dalka mareykanka lagu soo bandhigay uu ninkaasi ku sheegay maal ka badan $577 milyan oo doolar inuu ninkaasi oggolaaday inuu qasanadda dowladda lagu shubo balse ma sheegin cidda deeqdaasi uu bixiyey uu doonayo in looga faa’ideeyo.

Wargeyska New York Post oo soo xigtay warqadda dardaaranka uu Jeffrey Epstein qoray soo xigtay waxay sheegeen inuu ninkaasi daradaarankiisa ku muujiyey in lacagtaasi deeq ahaan qasnadda dowladda lagu shubo.

Epstein wuxuu dhintay isaga oo sugaya in lagu qaado dacwad la xiriirta inuu suuq geyn jiray dadka jirkooda ka ganacsada isla-markaana uu shirqoolna fulin jiray.

Dhakhtar caafimaad oo ku sugan New York oo meydka ninkaasi baaritaan caafimaad ku sameeyey wuxuu sheegay ninkan dhintay ee 66 jirka ah inuu isku dilay «daldalaad».

Epstein inta uu noolaa wuxuu sheegay inuusan dambiyadaa lagu eedeeyey uusan gelin uuna xirnaa isaga oo aan loo oggolaan inuu dammiin la yimaaddo.

Ninkan oo ahaa maalgeliye hore dhammaan lacagihi akaawunkiisa ugu jirtay wuxuu ku shubay akaawunka sanduuqa 1953, sida ay sheegeyso nuqul warqadda dardaaranka ninkaasi oo waregeyska New York Post lagu daabacay, wuxuuna warqadda dardaaranka uu saxiixay 8-dda August. 

Balse meelna laguma sheegin cidda deeqdaasi lacageed ka faa’ideysaneyso, lacagahaasi oo isugu jira $56 milyan oo doolar oo caddaan ah, hanti ma guurta ah oo u dhiganta $14 milyan oo doolar iyo $18 milyan oo doolar oo gaadiid iyo hanti kale lagu qiimeeyey.

Xigasho/kilde: BBC-SOOMAALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments