Wasiirkii xadgudubka galmo ku eedeysnaa oo racfaan ka qaatay xukunkii maxkamada.

0
151
Svein Ludvigsen wasiirka eedeynaha ah

Sida uu NRK u xaqiijiyay qareenkiisa, wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, Svein Ludvigsen ayaa racfaan ka qaatay xukunkii shanta sano ahaa ee maxkamada magaalada Tromsø ay ku xukuntay.

Svein oo sidoo kale ahaa xubin katirsan baarlamaanka Norway, ahaana gudoomiyaha gobolka Troms, ayaa ku eedeysnaa inuu xadgudub galmo ah uu u geystay sadex dhalinyaro magangalyo doon ah. Kuwaas oo uu u sheegay inuu ka caawin karo helista sharciga magangalyada, shaqooyin iyo guryo ay degaan.

Kala xiriir 45970353 ama bono webkooda(Riix sawirka ama linkigan)

Wasiirka oo 72 sano jir ah ayay maxkamadu ku heshay danbiga lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu isaga oo ka faaíideysanaya awooda iyo xiriirka booskiisa shaqo, uu dhalinyaradaas qoxootiga ahaa kula kacay xadgudub galmo.

Mid kamid sadexda qof ee uu Ludvig kula kacay xadgudubka galmada ah, ayaa ah nin soomaali ah, kaas oo xiliga uu falkan dhacayay ahaa magangalyo doon.

Svein Ludvig ayaa xukunka xabsiga ah ka sokow, waxaa lagu xukumay inuu magdhow siiyo dhamaan sadexda dhibane ee kiiska dacwada ah kusoo oogay.

Ma cada wali in maxkamada racfaanku ay aqbali doonto racfaanka Svein iyo inkale.

Xigasho/kilde: Svein Ludvigsen anker dommen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments