Wasiirka cadaalada: Waxaan damaanad qaadeynaa, inaad nabad ku ciidaan.

0
74
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Nin ku hubeysan qoryo ayaa shaley gudaha u galay masaajidka AlNoor Islaamic Senter ee magaalada Bærum, isaga oo isku dayay inuu geysto dil. Balse nasiib wanaag dadkii ku sugnaa masaajidka ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan.

Falkan ayaa kusoo aaday, iyada oo saaka ay ku beegantahay maalin ciid ah, lana filayo in masaajidada Norway ay isugu yimaadaan humanan kamid ah muslimiinta ku dhaqan Norway.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Wasiirka cadaalada iyo amniga dowlada Norway, Jøran Kallmyrayaa weerarkaas ku tilmaamay mid laga xumaado, wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in qof walba uu diintiisa ku caabudo, si amaan iyo cabsi la´aan ah.

Wasiirka oo wareysi siiyay TV2, ayaa sheegay in hey´addaha dowladu ay sameyn doonaan wax walba oo lagu damaanad qaadi karo in dadka muslimiinta ah ay maanta ku ciidan dareen nabadeed.

Isaga oo raaciyay in muhiimadu ay tahay in dadka muslimiinta ah maalinta ciida dareemaan amaan iyo xasilooni.

Xigasho/kilde: Justisminister Jøran Kallmyr garanterer at norske muslimer kan føle seg trygge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments