UN-ka oo Norway ku eedeeyay adkeynta dib u midowga qoysaska.

0
144

Hey´adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga, ayaa dowlada Norway ku eedeysay inay adkeyso xeerarka isku keenista qoysaska raba inay dib u midoobaan.

Olivia Mocanasu oo ah la taliyaha dhanka sharciyada ee hey´adda ayaa Norway ku eedeysya inay jabineyso xeerka qaramada midoobay uga dagsan isku keenista qoysaska.

Waxeyna Olivia sheegtay in sida sharcigu uu qabo ay Norway waajib ku tahay inay fududeyso howsha qoysaska raba inay dib u midoobaan. Waxeyna sheegtay in Norway ay isku dayeyso inay adkeyneyso xeerarkaas, halkii ay aheyd inay fududeyso.

10.500 kr qofkii:

Qaramada Midoobay ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay in lacagta uu bixiyo qofka raba inuu qoykiisa keeno Norway ay tahay 10.500 kr, ayna Norway tahay meesha ugu qaalisan ee qof uu qoyskiisa ugu dacwoodo.

Waxey sidoo kale soo jeedisay in la ogolaado in xubanaha qoysaska ee ka weyn 18 sano loo ogolaado inay la midoobi karaan waalidkood ama walaalahood.

Olivia ayaa sii raacisay in arintan ay adagtahay in isbadal dhow uu ku yimaado, maadaama inta badan xisbiyada waaweyn ay isku raacsanyihiin in la adkeeyo xeerarka dib u midoobista qoysaska.

Xigasho/kilde: FN: Norge bryter forpliktelser om familiegjenforening

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments