Sweden: wiil 12 jir soomaali ah oo la weysanaa oo meydkiisa la helay.

0
180
booliska-Sweden

Sida ay xaqiijiyeen booliska, wiil labo iyo toban jir soomaali ah, oo ilaa ee sabatidii hore la weysanaa, ayaa meydkiisa shalay fiidkii laga helay biyo u dhow deegaanka Ösbyträsk ee duleedka magaalada Stocklom.

Xalay fiidkii labo saac ayaa meydka wiilkan yar la helay, waxaana goobta laga helay xiray bileyska iyada oo sidoo kale loo diray kooxaha danbi baarista.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Booliska ayaa sheegay ineysan ilaa hada xaqiijin karin sababta keentay geerida wiilkan yar ee soomaaliga ah, balse ay kiiska u baari doonaan qaab dil ah.

Ehelka wiilka ayaa lagu wargeliyay geerida wiilkooda, sida ay boolisku sheegeen.

Wiilkan ayaa lagu weysanaa xaafadda  Ösbydalen ee Gustavsberg, waxaana maalintii shalay la bilaabay baadigoob weyn oo xitaa ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradha drones-ka iyo eeyaha wax uriya.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments