Foto: Wikipedia

Xisbiga Vänsterpartiet ee dalka Sweden ayaa qaaday tallaabo uu xisbiga uga saareyo Amineh Kakabaveh oo ah haweenay asal ahaan u dhalatay Iran, qeybta Kurdida.

Wuxuuna xisbigu go´aankiisa ku sababeeyay in Amineh ay i marar badan si joogto ah dhaawacyo ugu geeysato aaminaadda ay bulshadu u hayso xisbiga iyo siyaasiyiinta xisbiga kula jirta.

Amineh ayaa dhowr mar warar been abuur ah ka sameysay bulshada soo galootiga, gaar ahaan soomaalida. Waxaana sanadkii 2017 laga tuuray liiska musharaxiinta xisbigaas ugu tartami lahaa doorashada, halka sanadkana guud ahaanba xisbiga laga saaray.

Xigasho/kilde: SverigesRadio

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of