Sweden: Adeeg internetka ay dadku isku furi karaan oo dhawaan la bilaabi doono.

0
108

Dhowaan waxaa dalka Sweden ka bilaaban doona adeeg lagu fududeeyneyo furriin lagu sameeyo aaladda internetka.

Wakaaladda maxkamadaha dalka Sweden ayaa adeegan dhowaan kusoo bandhigi doonta mareegta internetka, waxaana halkaas iska diiwaan gelin kara lammaanihii raba iney gogoshooda kala qaataan ama is furaan, waa haddii ey labada qof heshiis ku yihiin kala tagga.

Lena Nilsson oo ah madaxa laanta IT-ga ee wakaaladda maxkamadaha ee magaalada i Jönköping ayaa sheegtay in adeegan uu sahlayo in dadku ay fududeeyaan howsha furitaanka oo mararka qaar waqti badan qaadata.

Dalalka Yurub waxaa xowli u socdo adeegyada fulintooda loo wareejinayo internetka.

Xigasho/kilde: SverigesRadio, qeybta soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments