Svolvær: Haweenaydii ku dhaawacantay shilka oo maanta geeriyootay.

0
86
Goobta uu shilka ka dhacay.

Sida ay booliska maanta galinkii hore xaqiijiyeen, waxaa geeriyootay AHN  Faadumo Cali Sheekh oo aheyd qofkii sadexaad ee ku dhaawacmay shilkii baabuur ee sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Svolvær.

Dhowr mar oo hore oo boolisku iyo isbitaalku ay warbixino kasoo saareen xaalada hooyadan soomaalida ah, ayay xaaladeeda caafimaad ku sheegeen inay aheyd mid daran oo koomo kujirto. Waxeyna maanta xaqiijiyeen inay ku geeriyootay isbitaalka.

Waxaa horey dhaawacyada shilka baabuurka dartood u geeriyooday gabar ay dhashay hooyada maanta geeriyootay iyo wiil kale oo soomaali ah. Kuwaas oo shaley lagu aasay qubuuraha dadka muslimiinta ah ee deegaankaas.

Duqa deegaanka Vågan, Eivind Holst ayaa sheegay in maamulka degmadu uu u gurmadeen labada qoys oo ay ka baxeen sadexda marxuum ee soomaalida ah, isaga oo raaciyay in degmadu ay si fiican uga warqabi doonto xaalada dadka ay ka tageen.

Shilkan oo ah mid naxdintiisa leh, ayaa waxaa aad u hadalhayo warbaahinta Lokalka ah ee deegaanka iyo kuwa waaweyn ee wadanka.

Xigasho/kilde: Kvinne (39) døde etter trafikkulykka på fergeleiet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments