Støre: Dowladu ha wanaajiso barnaamijka Intro-ga, kahor inta aysan ceyrta dadka ka jarin.

0
85

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa shalay sheegtay inay rabto in lacagta ceyrta ah laga joojiyo soo galootiga aan luuqada Norway si fiican u baran.

Waxeyna sheegtay in dowladu ay hindise sharciyeed arintaas ku saabsan u dirtay baarlamaanka Norway. Halkan kasii akhri

Shaqaalaha hey´adda NAV ayaa shaley soo saaray war ay ku sheegayaan inaysan rabin inay hubiyaan ama imtixaan ka qaadaan dadka soo galootiga ah, si ay aqoontooda luuqadeed u hubiyaan.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Støre: Dowladu ha wanaajiso barnaamijka Intro-ga

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, Jonas Gahr Støre ayaa isaga oo arintaas ka jawaabaya sheegay in dowladu ay marka hore mudnaanta siiso wanaajinta barnaamijka introduksjon-ka, kahor inta aysan ka hadlin jarista lacagta ceyrta.

Jonas ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo dhameysta barnaamijka introduksjonka, iyaga oo aan si fiican u baran luuqada Norwiijiga. Balse dowladu aysan arintaas si fiican wax uga qaban, si kor loogu qaado jaaniska shaqo ee dadka qoxootiga ah.

Wasiirka waxbarashada: Jonas lama socdo waxyaabaha socdo.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka, Jan Tore Sanner ayaa sheegtay in hadalka Jonas uu markhaati u yahay inuusan la socon waxyaabaha dhacaya. Isaga oo sheegay in dowladu ay dib u habeyn ku sameysay barnaamijka Intro-ga, laguna sameeyay isbadalo waaweyn.

Jan Tore Sanner ayaa sii sheegay in dowladu ay xooga saartay sidii dadka qoxootiga ah ay luuqada u baran lahaayeen, inta aysan ku jiraan barmaamijka Introduksjonka.

Wuxuuna dhanka kale raaciyay in in dad badan oo soo galooti ah ay banaanka ka jooga suuqa shaqada, sababa la xiriira aqoonta luuqadooda oo yar darteed.

Dooda ku aadan jarista lacagta ceyrta ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay isbuucyo kooban ka dhimantahay doorashadii golaha deegaanka.

Xigasho/kilde: Støre ut mot regjerings forslag om kutt i sosialhjelp til innvandrere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments