Stocklom: Wiil soomaali ah oo lagu toogtay Xaafada Tensta

0
93

Sida ay xaqiijiyeen boolisku, waxaa saaka aroortii xaafada Tensta ee magaalada Stocklom lagu toogtay wiil ay boolisku da´diisa ku sheegeen 25 sano jir.

Toogashada ayaa saaka lixdii aroornimo, waxeyna boolisku sheegeen in fariinta ugu horeysay ay soo gaartay 6.30dii subanimo. Iyaga oo sheegay in goobta uu falka ka dhacay ay ugu tageen qof meyd ah.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore ama qoraalkan)

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka ee soomaalida ah, wiilka la dilay ayaa asal ahaan soomaali ah.

Boolisku wali ma xaqiijin ama faah-faahin kama bixin qaabka ay wax u dhaceen ama cida dilkan ka danbeysay, iyaga oo sheegay inay wali wadaan baaritaanka goobta uu falkan ka dhacay.

Dalka Sweden waxaa bilihii ugu danbeeyay kusoo xoogeysanayay dilka loo geysto ama ay isku geystaan dhalinyarada soomaalida ah ee ka tirsan kooxaga gangiska ah.

Xigasho/kilde: Man hittad död i Stockholm: ”Till synes avrättad”

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments