Bashiir Hønefoss: Qoraha maqaalkan

Sidaan wada ognahay waxaa bisha 9-aad ee sannadkan aan ku jirno ka dhacaysa dalka Norway,  doorashada golaha deegaanla oo ah mid afartii sanoba mar la qabto.

Doorashadaasi waxaa ka soo baxa oo lagu doortaa xildhibaano gole deegaan, kuwaas oo degmada maamuli doono afarta sano ee soo socoto.

Haddaba xisbiyada tartamaaya ayaa kala aaminsan fikrado iyo aragtiyo kala duwan, waloow ay danta guud ee dalka ku midaysanyihiin, haddana waxay ku kala duwanyihiin waxyaalo badan, sida siyaasadda dhaqaalaha,caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo soo galoo tiga ama muhaajariinta.Tan dambe ee soo galootiga ayaa ah mid aad raad ugu samaysa doodaha ka horreeya doorashada, waxaana jira xisbiyo aad uga soo horjeeda soo galootiga iyo qaxootiga , halka ay jiraan kuwa siyaasadoodu u debecsantahay soo galeetiga.

Soomaalida oo lagu qiyaaso inay ku joogaan Norway ku dhowaad 40000 ayaa ka mid ah dadka ay raadka ku sameeyso siyaasadda soo galeetiga, waxaana dhacda in ay marar badan la soo kulmaan dhibaatooyin kaga yimaada axsaabta hadba kolkaa talada haysa. dhibaatooyinkaas oo la xiriira xagga sharci ama keenista qoysaskooda, mararka qaarna kala noqosho sharci hore loo siiyey ama diidmo deganaansho ay sugaayeen ama jinsiyad lagala noqdoba.

[adsenseyu2]

Haddaba dhibaatooyinkaas oo jira Ayaan haddana weli lahayn siyaasad midaysan oo ay soomaalidu ku wajahdo dhibaatooyinkaas, waxaana haysta jaah wareer siyaasadeed waayo ma ay helaan warbixin dhab ah oo ku saabsan axsaabta iyo siyaasdda dalka iyo raadka ay ku sameeyaanba. Waxaa jirta in ay jiraan dad soomaaliyeed oo kala metala axsaab kala duwan oo qolo waliba ay fikir iyo aragti ku aaminaan axsaabtaas. Dadkii soomaliyeedna qolyahaas ayeey kala raacaan, iyagoo qiil ka dhiganaya waxyaabo badan. Mararka qaarna ayba dhacdo in qofku xisbi u raaco ama ugu codeeyo maadaama uu hebel ama heblaayo ku jirto.

Haddaba waxaan dadka soomaaliyeed farayaa kulana talinaayaa inay u diyaar garoobaan doorashan ayna kala bartaan axsaabta iyo siyaasdohooda iyo raadka ay bulsho ahaan ku smayn karaan qofka soomaaliyeed. Kolka la ogaado intaasna la go,aansado in la codeeyo oo codka la dhiibto gaar ahaan dadka haysta jinsiyadda waddanka ee xaqa u leh codeeynta barlamaanka.

Haddii aan fahamno xisbi walba iyo siyaasaddiisa, isla markaana dadka metela ama u ololaynaaya kala fahamno, dooranona ciddii munaasib ku ah ee matalina karta dadkeenna difaaci kartaa danaheenna. Qormada soo socda waxaan ku kala sharxi doonaa axsaabta iyo siyaasaddooda iyo mabaadiida ay ku taganyahiin si aan u wada fahamno xisbiyada iyo waxa ay aaminsanyihiin.Intaa ka dib ayaa qof walba oo cod lahi dhiibanayaa codkiisa isaga oo siinayo codka xisbiga uuu ku qanco iyo shaqsiga xisbigaas ka tirsan oo uu kalsooni ku qabo ama uu afkaartiisa iyo shaqsiyaddisaba ku qanco.

Waxaan rajaynaayaa in aan noqon doonno kuwo u diyaar garooba doorashada 2019 si aan uga mid noqonna kuwa leh go,aanka iyo cidda xumaumaysa dalka. Haddii aan ka maqnaano doorashada kuna bakahylno inaan dhiibno codkeenna, ma aha inaan cid wax yeelnay ee nafteenna Ayaan u diidnay xaq ay lahayd waxaana dhaci karta inaan codayn la,aantaas ka qoomamayno.

W.Q: Maxamed Bashiir Hønefoss


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, khibradaada fikirkaaga ama hamigaaga aad la qeybsado bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo aadin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of