Solberg oo ugu danbeyn isku keentay xisbiyada xukuumadeeda ee kala gadoodsanaa.

0
112

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa ugu danbeyn isbuuc uu socday muran xoogan, maalintii jimcaha aheyd sameysay heshiis ay ku mideysanyihiin xisbiyada afarta ee xukuumadeeda katirsan.

Waxeyna soo gabagabeysay muran labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ka dhex taagnaa xisbiyada Venstre iyo Frp oo labaduba ka wada tirsan xukuumada ay Solberg hogaamiso. Venstre iyo Frp ayaa mid walba iskood u watay qorshe gooni ah oo ku saabsan qaabka loo adeegsanayo lacagta laga qaado jidgooyada wada marista ee «bompengerka».

Solberg ayaa ugu danbeyn adeegsatay awood, iyada oo labo doorasho midkood siisay labada xisbi ee kala orodsanaa. Waxeyna soo saartay heshiis mid walba uu dhinaciisa iska arki karo.

Warar soo baxayay maalintii khamiista iyo galinkii hore ee jimcaha, ayaa sheegayay in mid kamid ah xisbiyada Venstre ama Frp uu banaanka ka istaagi doono xukuumada Solberg. Arintaas oo khal-khal galisay sixyaasada Norway mudo maalmo ah oo kooban.

Markii sadexaad ayay Solberg ka badbaaday qorshe halis galin karay jiritaanka xukuumadeeda, waxeyna dadka qaarkood hada su aal ka keeneen awoodadeeda hogaamiyeed, iyo ka hortaga khilaafka xukuumadeeda dhexdiisa ah, kahor inta uusan banaanka usoo bixin.

Xigasho/kilde: Statsminister Erna Solberg (H) stilte ultimatum om ny bompengeskisse til regjeringspartiene. Frp, KrF og Venstre har alle sagt ja.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments