Shaqaalaha NAV oo ka biyo diidan soo jeedin ka timid R.W Erna Solberg.

0
127

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa maanta sheegtay inay rabto in lacagta kaalmada dhaqaale ee ceyrta laga joojiyo, dadka soo galootiga ah ee aan baran luuqada Norwiijiga. Halkan kasii akhri

Shaqaalaha Xafiiska shaqada ee NAV ayaa iyaga oo arintaas ka jawaabaya sheegay inaysan rabin inay hubiyaan aqoonta luuqadeed ee dadka soo galootiga ah, ayna arintaas tahay mid ka baxsan shaqada ay qabtaan. Iyaga oo raaciyay in arintaas aysan u fududeyn sida ay reysulwasaaruhu u dhigtay.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Ururada shaqaalaha Norway ayaa iyagana dhankooda ka biyo diidsan soo jeedinta ka timid Reysulwasaaraha, waxeyna sheegeen inay adag tahay in la baaro, lana ogaado heerka aqoonta qofka soo galootiga. Iyaga oo raaciyay in luuqadu aysan aheyn waxa kali ah ee dadka soo galootiga kahor taan inay suuqa shaqada kasoo muuqdaan.

Waxeyna sii raaciyeen in arintaas ay abuuri karto kala soocid dadka u baahan in la caawiyo ama ku xiran adeegyada laga bixiyo xafiiska NAV.

Xigasho/kilde: Nav-ansatte vil ikke sjekke norsken til innvandrerne

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments