Odoyaashii ka hortagay weerarkii masaajidka oo lacag xajka lagu geeyo loo uruurinayo.

0
93
Foto: The Guardian

Maxamed Rafiiq oo ahaa 65-jirkii ka hortagay ninkii weerarka ka geysan rabay masaajidka Alnoor ee Bærum, iyo Maxamed Iqbaal oo ahaa odeygii kale ee la qabtay ayaa waxaa baraha bulshada looga uruurinayaa lacag la sheegay in xajka lagu geyn doono(Hoos ka fiiri).

Ilaa hada waxaa loo uruuriyay 220.000, waxaana lacagtaas ay ka timid boqolaal qof oo u badan dad asal ahaan Norwiiji ah.

Lacagtan ayaa la sheegay in labadaan oday lagu abaalbariyo in laga bixiyo safarka xajka, maadaama xiliga uu weerarku dhacday ay aheyd maalinta ay muslimiintu taaganyihiin Banka Carafa ee xajka.

Maxamed Rafiiq oo markii danbe la ogaaday inuu ahaa captan katirsanaa ciidanka cirka dalka Pakistaan, ayaa waxaa lagu tilmaamay halyeey. Isaga oo lagu amaanay geesinimada uu muujiyay.

Reysulwasaare Erna Solberg iyo Siv Jensen oo ah gudoomiyaha xisbiga Frp ayaa Maxamed Rafiiq ku tilmaamay halyeey.

Xigasho/kilde: Spleis.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments