Norway: Xisbiyada xukuumada oo madaxa iskula jira isbuucyo kayor doorashada.

0
83

Isbuucii ugu danbeeyay, waxaa warbaahinta Norway heystay muran u dhaxeeyo xisbiyada Frp iyo Venstre oo ka wada tirsan xukuumada wadaaga ah ee reysulwasaare Erna Solberg.

Murankan ayaa salka ku haya lacagta laga qaado jidgooyada marista wadada(Bompenger), taas oo labadaas xisbi ay ku kala aragti duwanyihiin qaabka loo adeegsanayo.

Labadanxisbi ayaa midba gaarkiisa u wato qorshe gooni ah, waxaana jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo labada qorshe siyaasadeed ee xisbiyadaas.

Reysulwasaare Erna Solberg ayaa shaley soo gaabisay safar ay ku joogtay Island, waxeyna kusoo guryo noqotay Norway, si ay u dhex-dhexaadiso siyaasiyiinta labada xisbi oo warbaahinta isku marinayo hadalo adag.

Murankan ayaa kusoo aadamay isbuucyo kahor doorashada goloyaasha deegaanka oo dhici doonto sagaalka bisha September. Iyada oo lacagta jidgooyada(Bompenger) ay kamid tahay qodobada ugu waaweyn ee sanadkan dadku ay ku mashquulsanyihiin doorashada golaha deegaanka kahor.

Murankan ayaa la aaminsanyahay in hadii aan la Walin uu dhaawac culus soo gaarsiin karo heshiiska wada shaqeynta afarta xisbi oo katirsan xukuumada Solberg.

Xigasho/kilde: Venstre mener regjeringsforhandlingene om bompenger ikke er avsluttet. Vi anser oss fortsatt ferdige med forhandlingene, sier Frp-leder Siv Jensen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments