Norway: Wakaalada wararka NTB oo beenisay war soomaalida ku saabsan oo la sheegay in laga xigtay.

0
158

Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa bishii hore ay sheegtay inay duulimaad ku tagi doonto labo magaalo oo cusub oo Soomaaliya katirsan, kuwaas oo kala ah Goroowe iyo Boosaaso. Waxeyna horey duulimaadyo ugu tagi jireen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Shirkada ayaa war arintaas ku saabsan u dirtay warbaahinta ka hadla arrimaha duulimaadka diyaaradaha iyo safarka.

Kala xiriiri 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirkan ama qoraalkan)

Webseedyo ay maamulaan kooxaha xagjirka ah, ayaa maalmahan aad uga hadlayay arintaas, waxeyna sheegeen in soomaalidu ay hada heli karaan fursado kale oo dheeri ah oo dalkoodii ay dib ugu noqon karaan, ugana guuri karaan Norway. Waxeyna sii raaciyeen maqaalo bahdil, faquuq iyo aflagaado loogu geysanayo soomaalida.

Warbaahinta kooxaha xagjirka midigta fog ah ayaa sheegay inay warkaas kasoo xigteen wakaalada wararka ee NTB, taas oo ah wakaalada ugu weyn dhanka wararka Norway oo dhan.

NTB ayaa maanta beenisay in warkaas laga soo xigtay, waxaana warbixin arintaas ku saabsan qoray Faktisk.no oo ah warbaahin dabagal ku sameysa wararka ay warbaahinta kale qorto.

Xigasho/kilde: I saken skriver NTB, ifølge Rights.no, at det er «hyggelig at somaliere får enda bedre flytilbud til Somalia». Det er ikke riktig.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments