Norway oo Faransiiska ka diiday qaabilaada dad qoxooti ah.

0
141
Jøran Kallmyr : Wasiirka cadaalada Foto: Skjermdump/TV2

Dowlada Norway ayaa diiday inay aqbasho codsi kayiimid dowlada Faransiiska, kuna aadan inay qaadato, dib u dajina u sameyso qeyb kamid ah boqolaal qoxooti ah oo laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Wasiirka cadaalada Jøran Kallmyr oo Frp katirsan ayaa NRK u sheegay in dowlada France ay Norway ka codsatay inay qaadato qeyb kamid ah qoxootiga saaran labo markab oo dhawaan boqolaal qoxooti ah kasoo badbaadiyay badda.

Wuxuuna sheegay in codsigaas ay ku gacan seyreen, kadib qiimeyn guud oo ay ku sameeyeen.

Jøran ayaa sheegay inaysan rabin in dadka soo gala badda ee Tahriibayaasha ah, aysan helin fariin ama rajo ah in dowlado ay qaadan doonaan, hadii lasoo badbaadiyo.

Waa markii labaad oo bil gudaheed ay Norway diido codsi ku saabsan dib u dajinta qoxootiga. Isbuucii hore waxey Norway diiday codsi ka yimid dowlada Talyaaniga, kuna saabsan inay qaadato qoxootiga saaran Markab Norwiiji ah oo badda kasoo badbaadiyay qoxooti tahriibayaal ah.

Faransiiska ayaa kamid ah wadamada EU-da ee qaatay masuuloyiinta qaar kamid ah qoxootiga laga soo badbaabiyo badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Xigasho/kilde: Norge sier nei til Frankrike: Vil ikke ta imot personer reddet i Middelhavet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments