Norway oo dhalashada kala noqotay nin argagaxisnimo loo xukumay.

0
185

Dowlada Norway ayaa maxkamad la´aan dhalashada ka celisay nin afartameeyo jir ah, kaas oo maxkamad kutaal dalka Talyaaniga ay u xukuntay danbi la xiriira argagaxisnimo.

Wasaarada isdhexgalka ayaa UDI-da isbuuc kahor amar ku siisay in ninkaas laga celiyo baasaboorka Norway oo la siiyay labo sano kahor. Waxeyna amarkeeda u cuskutay in ninkaas uu khatar ku yahay amniga iyo danaha dowlada Noeway.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Ninkan ayaa lala xukumay wadaadka Mulla Krekar, oo ay qaraabo dhow yihiin. Dowlada Talyaaniga ayaa horey u dalbatay in loo soo gacangaliyo Krekar, balse wadaadka ayaa racfaan ka qaatay xukunka xabsiga lagu dhigay.

UDI-da ayaa sanadkii 2016 ninkan siisay dhalashada Norway, iyada oo markaas ay ku socotay baarista la xiriirta danbiga argagaxiso, waxeyna UDI-du la kulantay canaan adag oo arintaas la xiriirta.

UDI-da ayaa dhankooda sheegay inaysan ka warqabin baarista ninkaas ku socotay, warbixina aysan ka helin hey´addaha amaanka, sida PST-da iyo booliska.

Ugu danbeyn dowlada Norway ayaa ku guuleysatay inay ninkaas ka celiyeen dhalashada dalkan, iyada oo aan la martini wax maxkamad Norway gudaheeda ah.

Xigasho/kilde: Norge trekker tilbake statsborgerskapet til terrordømt nordmann.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments