Norway: Dowlada oo rabta inay wax ka badasho nidaamka isdhexgalka ee soo galootiga.

0
89
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Wasaarada isdhexgalka ee dowlada Norway ayaa maanta sheegtay inay baarlamaanka u gudbiyeen hindise sharciyeed ku saabsan in isbadal lagu sameeyo xeerka soo galootiga.

Wasaarada ayaa sheegtay inay muhiim tahay in soo galootiga la siiyo qorshe ay wadanka kula qabsan karaan, oo u dhigma heerka aqoonta ay wadamadoodii kala yimaadeen.

Waxeyna tusaale usoo qaateen in qof dhakhtar ah iyo mid aan waligiis waxbaran hada isku fasal la fariisiyo, ayna qaataan waxbarasho dhanka luuqada ah oo isku mid ah. Iyaga oo sheegay inay rabaan in arintaas wax laga badalo, si qof walba uu u helo waxbarasho luuqadeed oo ku haboon heerka aqoontiisa.

Dowlada ayaa sheegtay inay rabto in isbadal lagu sameeyo xiliga socoshada barnaamijka Introga oo hada socdo labo sano oo kali ah. Waxeyna sheegeen in dadka u baahan inay luuqad kooban bartaan la siiyo afar bilood oo waxbarasho luuqadeed ah, halka dadka aan horey wax usoo baran looga dhigo afar sano.

Dowlada ayaa dhanka kale rabta in kommunaha qofka qaato, ay waajib ku tahay inay qofka soo galootiga ah ay ka caawiyaan helista Shaqo.

Ujeedka ugu weyn ee dowladu ay ka rabto qorshahan cusub ayay sheegeen inuu yahay in qofka soo galootiga ah loo fududeeyo inuu aqoontiisa ku adeegsado Norway. Halka kan caawinta dheeriga ah u baahana la siiyo waqti uu luuqada wadanka si fiican ugu barto.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil tilpasse opplæringen i norsk etter hva flyktninger kan. Flyktninger som trenger det, skal få lære norsk og om norsk samfunn i fire år.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments